DEGDEG: Dablay Hubaysan Oo Dhexda U Gashay Gaadiidka Rakaabka Shirkadda Bari iyo Galbeed iyo Khasaaraha Arrintaasi

0
1190

Ceerigaabo (Tayosame news) Dabley hubaysan ayaa habeennimadii xalay waxay Aagga degaanka Kalsheekh oo qiyaastii 50-km jahada galbeed kaxigta magaalada Ceerigaabo waxay jid-gooyo u galeen mid kamid ah gaadiidka basaska rakaabka qaada ee Shirkadda Bari iyo Galbeed kaasi oo kasoo kicitimay dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa unasoo jeedey dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Dableydan hubaysan ayaa sida lasheegay waxay rasaas taayirrada kala beegsadeen gaadhigaas Baska ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah. Lamana sheegin ilaa hadda khasaare intaas dhaafsiisan oo baabuurkaas iyo rakaabkii saarnaa kasoo gaadhey rasaasaynta dableydaas, sidoo kalena dableydan hubaysan oo wararka hordhaca ahi ku sheegayaan ilaa saddex nin ayaa iyagana lasheegayaa inay rasaasayntaas kaddib iyaguna goobtaas iskaga tageen.

Dhinaca kalena Shirkaddan Bari iyo Galbeed oo kamid ah shirkadaha waaweyn ee rakaabka u kala qaada gobollada Somaliland ayaa ku cusub gobolka Sanaag oo aanay hore uga hawlgeli jirin.

Sikastaba ha ahaatee lama oga ilaa hadda xaqiiqada dhabta ah ee ka danbaysa weerarkan habeenniimo ee dableydan hubaysani ku qaadeen baabuurkan Baska ah ee rakaabku saran yihiin, halka dadka wax oddorosa qaarkoodna ay arrintani ugu muuqato mid loo anayn karo xiisad ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.