DEGDEG: Dagaal Beeleed Aad U Qadhaadh Oo Ka Socda Deegaano Hoos Yimaada Laascaanood?

0
748

Sool (Tayosame news) Dagaal beeleed aad u qadhaadh ayaa ka socda deegaanka Gumburka Cagaarre oo hoos tagta gobolka sool ee bariga somaliland.

Inta la xaqiijiyey 10 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyoodey, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, Gudoomiyaha gobolkaasi ayaa cadeeyey in dagaalkaasi u dhaxeeyo labo beelood oo kasoo kala jeeda somaliland iyo maamulka puntland.

Waxa uu tilmaamay in dagaalka weli aanu joogsan, islamarkaana laga yaabo khasaaraha inuu intaasi kasii bato, Dagaalkan ayaa salka ku haya sida la sheegay arrimo la xiriira dhul, xoolo iyo sidoo kale aanooyin horey usoo jiray.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Laascaanood ayaa wada dedaal badan oo lagu doonayo in lagu xalinayo dagaalladan, Deegaanka lagu dagaallamo ayaa sidoo kale ku dhow Ismaamulka Soomaali Galbeed, iyadoo rasaastana tahay mid socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.