DEGDEG: Dowlada Somalilnd iyo Maamulka Puntland Oo Madaafiic Xoogan Isku Weydaarsaday Deegaanka Tukoraq

0
605

Tukoraq ( Tayosame News ) wararka ka imanya deegaanka Tukoraq ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada Dowlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee halkaasi ku sugan.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.
Saddex  askari oo ka tirsanaan ciidamada maamulka Puntland ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Madaafiicda ka socotay degaanka Tukaraq.
Waxaa sidoo kale jira dhowr Askari oo uu dhaawac kasoo gaaray Madaafiicda.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xogeysatay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Labadda dhinac ayaa wali waxa ay ciidamo kusoo daad guureynayaan degaanka Tukaraq , waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.