DEGDEG: Faysal Cali Waraabe Oo Wasiir Ka Dalbaday Muuse Biixi IYo Muuse Biixi Oo Kudaafada Ku Daray Codsigaasi

0
862

Hargeisa (Tayosame news)   Gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe oo ayaamahii ina soo dhaafayba u ololaynaayay in xil ka helo xukumadda la filaayo in uu soo dhiso Col. Muse Biixi ayaa ayaamahii u danbeeyay si xawli leh u laban laabay in uu ku guulaysto in Muuse Biixi ku qanciyo in uu xisbiga UCID- Oo hiil la soo garab taagnaa tan iyo intii xisbiga Waddani saaxada siyaasada Somaliland soo galay, isla markaasina ay hada tahay xiligii uu heli lahaa abaalkii uu soo shaqaystay ee ahaa kala qaybinta cododka Garxajis iyo caydii joogtada ahayd ee uu ku hayn jiray musharaxa xisbiga Waddani iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani, taasi oo xiliyada qaarkood uu Col. Muuse Biixi ku raaxaysan jiray.

Faysal Cali Waraabe ayaa ayaa Muuse Biixi u gudbiyay magaca nin uu la maaganyahay in loogu magcaabo wasiir kaasi oo uu warqada dalbka ee uu u dhigtay guriga Muuse Biixi ay ku qorantahay nin lagu magcaabo ama la yidhaa Naasir Qodax, waana sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga UCID- isaga oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe ayaa doraad saxaafada si dadban fariin arimahaasi khusaysa u mariyay Col. Muuse Biixi isaga oo sheegay hadii dalbkooda la dhagaysan waayo ay halkii ka miisi doonaan, isaga oo u jeeday hadii aan ninkaasi loo magacaabin in uu xukumadda Muuse kala hor iman doono mucaaridad adag.

Dhanka kalena warar ku dhow dhow Muuse Biixi ayaa sheegaaya in codsigaasi Faysal ee ninkaasi uu wato gudaafada lagu daray oo aan haba yaraatee wax wasiir ah aan ninkaasi uu Faysal Wato loo magacaabi doonin isala markaasina mucaaridada Faysal ayna haba yaraatee waxba ka qaadi karin dawlad kasta oo uu soo dhiso Col. Muuse Biixi, marka laga duulaayo taageerada uu xisbigiisu uu dalka ka haysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.