DEGDEG: Isku Dhacyo Xoogan Oo Kadhex Aloosan Puntland iyo Beelo Ka Baxay Dagaalka Somaliland iyo Puntland

0
579

Somalia (Tayosame News) Sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay magaalada Garoowe waxa ka taagnaa khilaaf xoogan oo ku saabsan ciidamada lagu soo daad guraynaayo magaalada Garoowe ee laga keenaayo gobolada dhexe iyo koonfurta Somaliya kuwaasi oo uu abaabulkeeda leeyahay madaxweynaha Puntland oo taageero xoogan ka helaaya madaxweyne Farmaajo.

Waxana bilaabmay wada hadalo lagu kala duwanyahay dagaalka ay doonayso in ay ku qaado ciidamada Somaliland ee degan gobolka Sool, taasi oo isu rogtay hab qabiil, waxana dagaalkaasi gabi ahaanba ka soo hor jeedsaday beesha Ciise Maxamuud oo degaan ahaan ka soo jeeda Garoowe kuwaasi oo soo jeediyay in aan lagu deg degin wax dagaal ah xaga beesha Cumar Maxamuud oo uu ka soo jeedco Cabdiwali Gaas ay tageero buuxda la garab istaageen in dagaalkaasi la galo.

Odayada deegaanka Garoowe ayaa sheegay in ayna ka raali ahayn in deegaankoodu uu noqdo goob colaadeed, waxna ay sheegeen in colaadii Galkacayo loo soo raraayo Garoowe, xili ay beesha Cumar Maxamuud qaadanyso nabad in ay ka hana qaado Galkacayo, taasi oo beelaha Cumar Maxamuud iyo Ciise Maxamuud ku kala fikir duwanaysay colaada Somaliland la doonaayo in lala galo,  waxana odayada beeshe Ciise Maxamuud  ay soo jeediyeen in colaada Somaliland iyo Puntland ay haboontahay in nabad lagu xaliyo oo dagaalku aanu xal ahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.