DEGDEG: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada Xilal Cusub Magacaabay

0
161

Hargeisa (Tayosame news) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-     

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

2.

Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

3.

Axmed Abokor Maxamed Yuusuf

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

4.

Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

                  

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.