DEGDEG: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
24

Muqdisho (Tayosame News) Qarax miino ayaa  oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu aasay guri u dhow waddada dhinaceeda, iyadoo lala eegtay ciidamo saarnaa gaari yar oo wadada marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu hal qof ku dhaawacmay, balse burbur uu soo gaadhay guri wadada dhinaceeda ku yaal.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Hodan ayaa gaaray degmada Hodan, waxaana ay ka sameeyeen baaritaano.

Maalin ka hor Qarax duleedka Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay afar ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.