Muqdisho (Tayosame News) Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow laga maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay qaraxa,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad uu ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taalla Sayidka,waxana wararka qaar ay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen.
Uurada qaraxa ayaa la arkayaa waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaaska wali lama faahfahin karo khasaaraha ka dhacay qarxyada iyo dagaalka socda wali.