Hargeisa (Tayosame News) Ciidamada RRU-du ayaa xalay Gurigiisa kala baxay Xaaji Cabdi Xasan Mataan oo kamida Odayaasha karaamada leh ee Beesha Bariga Hargeysa,
Xaaji Cabdi Xasan Mataan oo mudooyinkii ugu danbeeyey kamid ahaa Qurbajooga reer Somaliland ee Dalka Imaaraadka. Ilaa hada lama oga meel ay geeyeen iyo Sababta kaliftay in Ciidanku xili saq-badh ah gurigiisa ugu daataan,
Xadhigan Xaaji Cabdi Xasan Mataan oo kamida Odayaasha Haldoorka ah ee ay ku dhaadato Beesha Bariga Hargeysa, Sabawanaag iyo Cadaadley, ayaa bulshada deegaankaasi aad uga cadhaysiin doona iyadoo wararka naga soo gaadhay Xaafadaha bariga Hargeysa ay sheegayaa in durtaba ay ka bilaabantay Is Abaabul dhalinyaro oo ay dhalinyarada deegaankaasi kaga jawaabayaan falkan la sheegay in Ciidanku ka fuliyeen Guriga Xaaji Cabdi Xasan Mataan.
Iskusoo wada duuboo Dadweynaha deegaankan oo mudooyinkii ugu danbeeyey tabasho badan ka qabay Xukuumada haatan jirta ayaa Arintanina waxa ay sababi kartaa kacdoon hor leh iyo mucaaradad adag oo beeshani kala hortimaado Xukuumada iyadoo sidoo kalena la filaayo in Subaxnimada bari mudaharaado iyo rabshado xoogan ay kaga jawaabaan dadweynaha deegaankani Xadhiga Xaaji Cabdi Xasan Mataan oo sida aynu xusnay kamida Haldoorka biri-magaydada ah ee Beesha Bariga Hargeysa.
Xigasho : http://www.oodweynemedia.com/