DEGDEG: Weriye Ka Hawl Geli Jiray Muqdisho Oo Ku Dhintay Qarax Loogu Xidhay Gaadhigii U watay

0
47

Muqdisho (Tayosame news)   Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay qarax loogu xidhay gaadhigiisa xili uu ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weriye Maxamed ibraahim Gaabow oo ka tirsan telefishinka Kalsan ayaa la sheegay inuu ku dhintay qaraxaas loogu xidhay gaadhiga uu watay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weriyaha uu dhaawac culus ka soo gaadhay qaraxaas uuna ku dhintay isla goobta uu qaraxu ku haleelay, wararka qaar ayaa sheegaya in weriyuhu uu kala go’ay , Labo caruur ah oo gaadhiga la saarneyd weriyaha ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxayna wararku sheegayaan iney soo gaadheen dhaawacyo fudud, iyadoo lagu daweynayo goobaha Caafimaadka.

weriyaha Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.