Muqdisho (Tayosame news) Waxaa goor dhawayd Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya oo wajiyada u duubnaa ayaa galay guri uu leeyahay Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid oo kuyaala Xaafada Banaadir ee Degmada Hodan.
Ciidamadan oo aad u hubeesnaa wajiyadana qarsaday ayaa galay guriga Senetarka, waxa ayna Ciidamada mudo daqiiqado ah ku sugnaayeen howlgalna ka wadeen guriga Cabdi Qeybdiid.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan Ciidamada gudaha u galay guriga Senetarka Cabdi Xasan Cawaale , waxaa sidoo kale arintan ka hadlin Senetarka oon la ogeyn halka uu joogay xiliga la weerarayay.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ay weerareen guri kuyaala Siyaasiga Cabraxmaan C/shakuur Warsame, waxaana howlgalkaasi lagu xiray Siyaasiga .
Senetar Cabdi Xasan Cawaale ayaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana arintan kusoo aadeysa xili xiisad siyaasadeed dalka ka jirta.