Saudi arabia (Tayosame News) Dawladda Saudi Arabia ayaa amartay in xabsiga la soo dhigo nin iska soo duubay muuqaal uu ku muujinayo isaga oo wiil yar ku khasbaya in uu cabo xabad sigaar ah.
Muuqaalkan oo soconaya 1O Ilbidhiqsi ayaa lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, waxaanu muddo laba Maalmood ah ku noqday mid si weyn loo faafiyo.
Xeer ilaaliyaha Guud ee wadanka Sacuudi Arabia Saud Al-Mojeb ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ninkaasi, maadaama uu ku talaabsaday dhaqan xumo.
Muuqaalkan ayaa si waafi waxa uu u muujinayaa nin weyn oo xabad sigaar ah afka u geliyay wiil yar isla markaana ku qoslaya, hasayeeshee ku Khasbaya in uu xabadaasi dhameeyo iyo koox kale oo iyaguna isla qolka ku jirta oo sacabinaya.
Khaled Aba Al-Khail, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee wadanka Sacuudiga ayaa codsaday in lala soo xidhiidho wasaaradda iyo xukuumadda wadankaasi cid kasta oo warbixin ka haysa ninkaasi dhaqan xumadda u horseeday da’ yarta.
Maalin ka dib Markii uu amarkaasi ayaa la soo qabtay ninkaasi, waxaana hada lagu hayaa xabsiga iyada oo sida ugu dhakhsaha badana loo hor keeni doono maxkamad.