Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Hogaamiyaha Iran KU Tilmaamay Hitler Iyo Jawaabta Iran Ka Bixisay

0
469

Iran (Tayosame news) -Iran ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga ku sheegtay in uu yahay qof aan “garaadkiisu bislaan” ka dib markii uu isagu ku tilmaamay hogaamiyaha sare ee Iran Hitler kii bariga dhexe.

Dagaalkan afka ah ee labada dal ee gobolka ku loolamaya dhex maraya ayaa wasarada arimaha dibadda Iran tidhi Maxamed bin salman ha ka “fikiro masiirka” digtaytarada gobolka.

Amiirka oo hogaamiya dhabta ah ee sucuudiga ayaa layn adag ka qaatay Iran.

Wuxu u sheegay New York Times in aanu ogolaan doonin fidida saamaynteeda.

“waxaanu yurub ka baranay in maslaxaadu aanay shaqaynin. Ma doonayno Hitler cusub oo Iran oo ku celiya wixii ka dhacay yurub iyoooo bariga dhexe” ayuu yidhi isagoo tixraacay Ayatollah Ali Khamenei.

Hadalkiisaas ayaa soo jiitay jawaab adag oo Tehran ka timid, Wasaarada arimaha dibada Iran af hayeenkeeda Bahram Qasimi ayaa ku eedeeyay amiirkan dhaxalka leh inuu yahay mid aan “garaadkiisu bilsaan, aan fiirsanay oo hadal aan sal lahayn iyo dhan”

“waxaan aad ugula talinayaa inuu ka fikiro masiirka digtaytarada caanka ah ee gobolka ee sanadadii la soo dhaafay imika intuu ka fikirayo siyaasadahooda iyo dhanqankooda oo tusaale u ah” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.