Hargeisa (Tayosame News) Sida aynu wada ognahay computer-ku waa aalad waqtiyadan dambe ee casriga ah ka mid noqotay daruuriyaatka nolosha, isla markaana shaqooyin badan u fududaysay aadamaha, sidaa si la mid ah waxay leedahay saamayn taban oo la xidhiidha caafimaadka qofka. dhiga ama isticmaalka waqtiga dheer ee muraayada computer-ka ayaa sababta khataro badan oo caafimaad.
Waxyeelada Indhaha:
- Marka uu qofku uu hurdada ka kaco, waxa indhihiisa lagu arkaa oo ka muuqda casaan, sidoo kale wuxuu qofku dareemaa xumad.
- Sidoo kale indhaha ayaa laga dareemaa xumad ama xanuun marka loo baxo iftiinka cadceedda.
- Wuxuu saameeyaa wax akhriska bugaagta.
- Xamil la’aan uu qofku xamili waayo iftiinka laydhka ee guriga dhexdiisa iyo xanuun uu ka dareemo indhaha.
Waxyeelada Maskaxda: - Madax xanuun hurdada ka hor iyo ka dibba.
- Xusuus la’aan, si dhib yar waxba qofku kuma xusuusan karo.
- Isku buuq iyo cadho uu qofku dareemo maalintii oo dhan.
Waxyeelooyinka kale: - Qofka oo cunto cuna saddex jeer maalintii, isla markaana dul-fadhiya computer-ka waxay sababtaa caajis.
- Waxay qofka ku samaysaa culeys xad-dhaaf ah, isla markaana waxa luma qaab-dhismeedka jidhka qofka.