Dhul Gariir Hor Leh oo ku Dhuftay Jasiirad Ku Taalla Indonesia

0
376

Indunisiya (Tayosame News) Jasiiradda ku taalla dalka Indunisiya ee Lombok waxaa ku dhuftay dhul gariir kale oo xooggan kaddib markii labo toddobaad ka hor dhul gariir halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 460 qof.

Dhulgariirka uu cabirkiisa gaarayay 6.3 cabirka dhulgariirada,inkastoo aanan lo ogaanin ilaa hadda khasaraaha uu dhaliyay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dhul gariirka laga dareemay deegannada ku yaalla bariga jasiiraddan islamarkaasna ay dad badan ka qaxeen halkaasi.

Saraakiisha ku sugan dalka Indunisiya waxay sheegayaan inay weli qiimaynayaan xaaladda.Afahayeenka waaxda ka hortagga masiibooyinka Indunisiya Sutopo Purwo Nugroho wuxuu yiri ” Dhul gariirka wuxuu argagax ku riday dadka, wuxuu ku khasbay inay guryahooda ka cararaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.