Dibad Baxyo Rabshado Wata Oo Ka Aloosan Dalka Giriiga

0
23

Greece (Tayosame news) Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Giriiga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday kumanaan ruux oo Jimcihii isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Athens.

Dadkan ayaa ka cadheysnaa qodob sharci ah oo gunti-isku-giijin dhinaca dhaqaalaha oo ay dowladda rabto in ay dowlada soo saarto Isniinta.
Booliska ayaa qaaca ilmada keena ku tuuray dibadbaxayaal aanan badneyn oo isku dayay in ay galaan aqalka baarlamaanka. Ma jirin wax dhaawac ah oo laga soo wariyay dhacdadaasi.

Gunti-isku-giijintan cusub ee dhinaca dhaqaalaha ah ee keenay dibadbaxyada ayaa yareyn doonto xuquuqda shaqaalaha ay u leeyihiin in ay mudaaharaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.