Dirawal ka Digtoonow Dooxyada Xilli Roobaadka’Masuuliyadda Naftaada iyo Dadka aad Siddoba Adiga ayay ku Saaran tahay

0
93

guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka curtay roobabka guga iyo Raxmaadka ALLE waana nimco ka mid ah nimcooyinka ALLE innagu galaday oo u baahan in aynu ku shugri naqno oo ALLE ugu Xamdi naqno.

Haddaba inagoo ku guda jirna curashada roobabka guga waxaa jirta dhibaatooyin dad samee ah ooo ka dhasha roobabka iyo qasaare nafeed oo ka yimaadda marka laga tago masiibooyinka Rabbaaniga ah ee roobabku ay gaystaan sida daadad ku soo rogmada aafado oo qaada ama dhibaatooyin kale oo ka dhasha roobabka.

Waxaa jira dooxyada ay daadadku kusoo rigmadaan in qaar ka mid ah dirawaladu ay ku soo daayaan baabuurta ay wadaan doox rogmanaya oo daad uu marayo.

Markasta gaadhiga iyo rakaabka saaran waaa ka masuul ah oo badbaadada dadku ay saaran tahay waa dirawalka gaadhiga wada waxaana loo baahan yahay in dirawalku uu ka taxadero dooxyada rogmanaya ee daadadku ay marayaan.

Markastana waxaa loo baahan yahay adaha gaadhigu in uu ka fekero nolosha dadka  uu sido iyo naftiisaba isla markaana aanu ku sii dayn gaadhiga uu wado Doox  daad  marayo wakhti kooban oo uu ka joogo dooxa ayaa badbaadin karta nafta dadka iyo baabuurka iyo hantida kale ee uu gaadhigu sidoba.

 

Waxaa habeen hore ku geeriyootay dooxa wayn ee Hargeysa Hooyo uu qaaday gaadhi ay la socotay halka laga badbaadiyay dirawalkii gaadhiga waday iyo ilmo yar oo ay dhashay.

 

Waxaana shalay meydkeeda laga helay agagaarka isguulka Kuwaydiga dooxa dhexdiisa.

ALLE ha u naxariistee hooyadaasi waxay ku naf wayday gaadhigaa dooxa lagu soo miidaamiyay.

Inkastoo aanu qofna u badheedhin in uu wadkiisa cagihiisa ku doonto hadana waa geeri naxdin leh oo ku dhacday qoyskaa laga badbaadiyay saygeedii iyo ilmo yar oo ay dhashay Hooyo Najax na ay ku geeriyootay waa masuuliyad darro ka dhalatay gaadhigaa lagu aaminay doox rogmanaya in uu ka tallaabo.

Haddaba dirawa ogow in masuuliyadda naftaada iyo nafaha dadka kaleba ay adiga ku saaran tahay isla markaana lagaa doonayo in aan samata bixintooda iyo ka badbaadinta in ay adiga ku saaran

Ciidanka booliskana waxaa la gudboon in waddooyinka Dooxyada dhex mara xilli roobaadka togaggu rogmanayaan in ay illaalo ka galaan waddooyinka ku soo dhaca Dooxyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.