Diyaar Ku Burburtay Badda Ivory Coast +Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba Leh Oo Jira

0
33

Ivory Coast: (Tayosame news)-  Diyaarad ayaa ku burburtay badda Ivory Coast waxyar un kaddib markii ay ka kacday gagida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Abidjan, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dhowr qof ay dhinteen kuwo kalana ay dhaawacmeen.

Waxa ay aheyd diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo shixnd u sidday milateriga Faransiiska, ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa xogtaas u sheegay bar-ta maxalliga ah ee Koaci.

Wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradda laga leeyahay Ukraine ama Ruushka.

Roob mahiigaan ah ayaa sababay in diyaaraddu ay soo dhacdo iyadoo burburkeeduna uu ku soo caariyay meel u dhaw xeebta Port-Bouët.

Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxaha badbaadada ayaa diyaaradda ka soo bixiyay laba qof oo mayd ah halka laba mayd oo kale lagu dhex arki karo burburka, wakaaladda ayaa sheegtay.

Wararka kle ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda ay badbaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.