Diyaaradaha Droneska Maraykanka Oo Gantaalo La Dhacay Deegaan Ka Tirsan Shabeelada Hoose

0
402

Somaliya (Tayosame news) waraeka soo gaadhaya xafiiska warqabadka tayosame news ayaa  Faah faahinaya duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo la sheegay in diyaarad ay gantaal ku ridday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka Mubaarak ayaa u sheegay idaacadaha maxalliga inay maqleen jug culus oo aheyd duqeyn ay fulisay diyaarad, waxaa lala beegsaday gaadhi Soomaalida u taqaano Caasi lagu raryKhudaar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadhiga lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, waxaa la sheegay in bartilmaameedka duqeynta uu ahaa gaadhiga.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, lama oga diyaarada duqeynta fulisay, hase ahaatee looga shakisan yahay inay aheyd diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Dhowr jeer oo hore Mareykanka ayaa duqeymo ka geysta deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.