Donald Trump Oo Eedayn Culus U Soo Jeediyey Madaxwenayaashii Ka Horeeyey, Soona Bandhigay Khidadiisa Cusub

0
13

USA (Tayosame news )  Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay tartan kula jiraan Mareykanka, ayna doonayaan in Mareykanka ay kula loolamaan dhanka siyaasada, mabaa’ddida iyo dhaqaalaha.

Madaxwayne Trump oo soo bandhigayay istaraatijiyada cusub ee ammaanka ayaa sheegay in caalamka uu imika ka socdo loollan xooggan oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo siyaasada ah.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hadda wajahayo khataro ka imaanaya ururo argagixiso, kooxo dambiilayaal ah oo abaabullan iyo kuwa kale oo uu sheegay in ay rabshado fidinayaan.

Istaraatijiyada uu soo bandhigay waxaa ka mid ah in darbi laga dhiso xuduuda uu Mareykanka la leeyahay dalka Mexica.

Waxaa sidoo kale uu madaxwayne Trump sheegay in la adkeeyo shuruucda socdaalka iyo in la soo afjaro barnaamijka dal ku galka baqtiyaa nasiibka ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale cambaareeyay madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in ay dhiseen waddamo dibadda ah islamarkana ay ku guuldaraysteen in ay dhisaan dalkooda hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.