Dowlad Carbeed Oo iibsatay 24 Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah

0
19

Qatar (Tayosame news)  Dowlada Qadar ayaa qorsheeneysa in dalka Britain ka iibsato Diyaarado dagaal oo casri ah, waxaana iibsahada Dowlada Qadar Diyaaradahan kaga baxaysa Balaayiin Dollar.

Dowlada Qadar ayaa dalbatay 26- diyaarad oo nuuca Eurofighter ee lagu farsameeyo dalka Britain, waxaana dowlada Qadar Diyaaradahan ku bixineysaa lacag ka badan 6-Bilyan oo Dollar.

Diyaaradahan ay dalbatay Dowlada Qadar ayaa la sameyn doonaa ilaa sanadka 2022-ka , Qandaraaskan lagu sameenayo diyaaradahan dagaal waxaa ka faa’iideesan doona kumanaan qof oo ka shaqeenaya.

Heshiiskan oo muhiim u ah labada dhinac ayaa waxaa magaalada Doha ku kala saxiixday xoghayaha difaaca Britain, Gavin Williamson iyo dhiggiisa Qadar, Khalid bin Maxamed al Atiyah.

Heshiiska Britain iyo Qadar waxaa qeyb ka ah in Doxa loo sameeyo madaafiic iyo qalab lagu hago gantaallada casriga ah . Qadar ayaa dalabka heshiiskan gudbisay bishii Sebtembar ee sanadkan.

Diyaaradahan oo ah kuwa casri ah ayaa lagu tilmaamaa in ay ka dheereeyaan dabeesha, Dowlada Qadar ayaana noqoneysa dowladii sagaalaad ee iibsada diyaaradahan casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.