Myanmar (Tayosame News) Dowlada Myanmar ayaa burburisay Masjid weyn oo Taariikhi ah oo ku yiilay magaalada lagu magacaabo Mango.
Talaabadan oo la sheegay iny salka ku hayso ololaha baabi’nta meelaha Taariikhiga ah ee Islaamka oo ku yaalla dalkaasi.
Ciidamada dowlada Myanmar ayaa la sheegay iney galeen masjidkan ka dibna dumiyeen, waxaana la sheegay inuu dhisnaa in ka badan 100 sano.
Waxaa ku cibaadaysan jiray masjidkan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi ee Rohingya loo yaqaa..
Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Muslimiinta Rohingya ayaa sheegay in Masjidkan uu ahaa mid astaan u ah Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi Myanmar lana dhisay ka hor Gumeysigii dalkaasi qabsaday.
Ciidamada Mayanmar ayaa horey u dumiyey Masaajidyo kale oo ku yiilay dalkaas, waxaana dowladan oo aaminsan diinta Budhiistaha ay ku sifowday islaam naceyb aad u fogaaday.