Dowlada DDSI Oo Isku Guurinaysa 100 Gabdhood oo Gaboye Ah iyo 100 Wiil Oo Beelaha Kale Ah + Balan Qaadyo Fiican Oo Loo Balan Qaaday

0
162

Ethiopia (Tayosame News) Madaxda Dhaqanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Kulan ay maanta yeesheen waxay ku go’aamiyeen in la isku Guuriyo 100 gabdhood oo ka soo jeeda beesha gabooye iyo 100 wiil oo kasoo jeeda beelaha kale ee soomaalida ah ee dega deegaanka soomaalida itoobiya,Odayaal Dhaqameedka DDSI ayaa sheegay Shuruuda kali ah ee looga baahanyahayna ay tahay inay lamaaanaha la isku Dhisayaa Heshiisyihiin.

Waxayna odayaashu sheegeen in laga caawin doono dhamaan kharashyada ku baxaya guurkooda. Iyadoo loo samayn doono Find Riasing taas oo ay xukuumada deegaankuna ay la qaadatay. Iyadoo loo dhisi doono guryo fiilo ah oo heer sare ah oo ka kooban 3 qol iyo suuligii lamaane walba islamarkaana loo samayn doono shaqo abuur lana siin doono qoyskiiba 50 neef oo geel ah iyo 50 neef oo adhi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.