Dowlada Islaam ah Oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Militarigu U Diyaarsan Yihiin Inay Difaacaaan Magaalada Qudus

0
879

Mlysia (Tayosame news)  Wadamo badan oo Caalamka kuyaala gaar ahaan kuwa Islaamka waxaa ka dhacay banaan baxyo aad u waa weyn oo looga soo horjeeday Go’aankii Dowlada Mareykanka, waxaana Madax kala duwan cambaareeyeen Donald Trump.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka dowlada Mareykanka, waxa uuna tilmaamay in go’aanka Mareykanka uu yahay dharbaaxo wajiga kaga dhacday Muslimiinta oo dhan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Malaysiya in Ciidankooda Milatariga ay diyaar u yihiin in ay difaacaan magaalada Barakeesan ee Qudus, waxa uuna intaa raaciyay in kaliya sugayaan amarka madaxda sare.

Wadamada Islaamka ayaa si xoogan uga hor yimid go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka ,waxaana la filayaa in Madaxda Wadamada Islaamka in go’aankan shir deg deg ah ka yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.