Dowlada Maraykanka Oo Cadaysay In Aanay Aqbalayn In Kuuriyada Waqooyi Hesho Hubka Nukliyeerka

0
39

Washignton: (Tayosame news) -Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, James Mattis,ayaa sheegay in Mareykanka aysan aqbali doonin in Kuuriyada Waqooyi ay hesho hub Niyukleer ah.

General Mattis ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Seoul ka dib wadahadal uu halkaasi kula yeeshay saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, James Mattis,ayaa xusay in barnaamijka Niyukleerka iyo gantaalada Pyongyang uu yahay mid minjaxaabinaya dalkaasi oo uusan ahayn mid xoojinaya ammaankeeda.

Mrs James Mattis ayaa ku celceliyay in xukuumadda Washinton ay doonayso in qaab dublamaasiyadeed lagu xaliyo dhibaatada labada dal.

Hasa yeeshee xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegay in haddii mareykanka ama dalalka ay saaxibada yihiin loo adeegsado hub Niyukleer ah ay arrintaasi ka bixin doonaan jawaab culus oo militari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.