Dowlada Masar Oo Qaraar Ka Dhana Arrintii Qudus Hor Geysay Qaramada Midoobay iyo Maraykanka Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Adeegsado Veto Power

0
16

UN (Tayosame news) Qaraar qabyo ah ayaa loo gudbiyay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo ku saabsan magaalada Qudus.

Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan sharciga ku lahayn in hal dhinac uu go’aan ka gaadho mustaqbalka magaalada Qudus.

Tallaabooyinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Qaraarkan ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka geeyaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Balse waxaa laga cabsi qabaa in xukuumadda Washington ay adeegsato codka diidmada qayaxan ee Veto power.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.