Dowlada Puntland Oo Maamul Gobaleed Somaliya ah Ku Eedaysay Inuu Taageero Alshabaab Iyo Maamulka Uu Yahay!

0
391
Cabdi Cali Xirsi (Qarjab)
Garoowe: (Tayosame news) -Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Galmudug in Al-shabaab ay u ogolaadeen in deeganada gobolka mudug ay kula dagalamaan ciidamada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo la hadlay idaacadda simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in baaritaano badan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Al-shabaab badan ay ka qeyb qaateen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deeganada gobolka mudug, iyagoo garab siinaya Ciidamada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidamada difaaca maamulka Puntland ay dileen rag badan oo Al-shabaab ka tirsanaa kuwaasi oo la ogaaday halka ay ka yimaadeen markii hore.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) ayaa sheegay in Puntland ay difaaci doonto shacabkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.