Dowlada Somaliland Oo Baadhis Ku Wada 16 Shirkadooda

0
353

Hargeisa (Tayosame news)  Hantidhawraha guud ee qaranka Saciid Saleemaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baadhis ay ku sameynayaan 16 sharikadood oo waddani ah oo heshiisyo gaar ah la galay wasaaradaha iyo hay’adaha Maamulka.

Waxa uu shegay in qaarkood ay qabtaan dakhliga dawladda. shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin kuwa haamaha kaydka shidaalka ee berbera .

Hantidhawraha guud oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in tallaabadaani ka mid tahay ballanqaadyadii madaxweynaha dhowaan la doortay ee la dagaallanka musuqmaasuqa, sinaanta, iyo sarreynta sharciga, Saciid Saleemaan Mire ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo amarka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi baadhitaankaas uu dhawaan bilaaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.