Dowlada Spain Oo Kala Dirtay Baarlamaanka Catalonia

0
143

Spain: (Tayosame news) -Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray baarlamaankii maamulka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay  Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii baarlamaanka maamulka Catalonia ay u codeeyeen madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale xilka ka qaaday oo shaqada ka cayriyay hogaamiyihii Catalonia Carles Puigdemont, Waxaa sidoo kale shaqada laga cayriyay taliyihii booliiska gobolka Catalonia.

Dhibaatada gobolka Catalonia ayaa bilaabatay ka dib markii gobolkaasi ay ka dhacday afti ay ku tilmaamtay sharci daro maxkamada dastuuriga dalkaasi, Hogaamiyayaasha maamulka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen aftida madaxbanaanida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.