Tanzania: (Tayosame News) Dowladda Tanzania Markii ugu horeysay waxa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya in ay saldhigyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ay waddaan qorshe ay ka sameynayaan dhulka Keymaha ah ee ku yaalla Gudaha Tanzania.
Xukuumadda Tanzania waxaa ay xustay in tan iyo 2016kii Al-shabaab ay dhallinyaro ka qoranayeen daafaha Magaalada xarunta ah ee Daar Salaam.
Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan ku tababareen Gudaha dalkaasi, kuwaasoo ay doonayaan in ay weeraraan Xarumaha dowladda.
Simon Sirro Taliyihii hore ee Booliska Magaalada Daar Salaam ayaa sheegay in dhowr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka, waxaana uu sheegay in ay gaarsiiyeen Khasaarooyin kala duwan.
Waxaa uu xusay in Booliska Daar Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-shabaab.
Dowladda Tanzania ayaa dhowr jeer sheegtay in weeraro ka dhacay Gudaha dalkaasi ay ku tuhmeyso Al-Shabaab.