Dowladda Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Inay Gaas Sun Ah Adeegsatay

0
60

Syria (Tayosame news) Howl wadeennadad caafimaadka ee ku sugan Bariga magaalada Ghouta ayaa sheegay in lix qof laga daweeyay xannuun aan sidaa u waynayn oo neefsiga la xidhiidha, iyadoo aagga uu weerrarka ka dhacay maalin walba cirka laga duqeeyo.

Waxaa lagu soo warramayaa in ay jiraan dad badan oo halkaasi ay dhibaato kasoo gaadhay, iyada oo hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay in afar boqol oo kun oo qof ay wajahayaan xaalad ba’an oo bini’aadamnimo.

Yussuf Ibraahim waa macalin haatan ku nool dhulka hoose ee gurigiisa oo ku yaalla degmada Xarasta, oo ka baxsan magaalada Ghouta.

Waxa uu sheegay inuu la hadalay qaar ka mid ah saaxibadii uuna weeydiyay sida ay wax u dhaceen, waxa ayna u sheegeen in ilaa 50 qof ay waxyeelo kasoo gaadhay dhacdadan ayna weli cisbitaalada ku jiraan si loo daaweeyo.

Xukuumadda bashaar al Asad ayaa dhwr jeer beenisay in ay dad rayid ah u adeegsatay suntan gaaska.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada Dimishiq ayaa u sheegay warbaahinta in aad looga walaacsan yahay dhacadaan ayna khalkhal ku abuurtay dadka.

Qoysas badan oo ku nool Bariga Ghouta ayaa hadda ku nool dhulka hoostiisa si ay uga badbaadaan gantaalada diyaaradaha ee lagu tuurayo magaaladaasi.

Ciidamada dowladda Suuriya waxa ay weeraraan kooxda muucaradka oo mar walba isku dayda inay u dhowaadaan xerooyinka milltariga ee Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.