Dowladda Tanzania Oo Joojisay Barnaamijka Qaramada Midoobay Ee Taakuleynta Qaxootiga iyo Sababta

0
22

Tanzania (Tayosame News) Dowladda Tanzania ayaa sannadkii hore joojisay diiwangelinta qaxootiga yimaada dalkeeda, iyadoo na ku boorisay qaxootiga.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay inay ka baxeyso barnaamijka Qaramada midoobay ee qaxootiga ka caawiya inay noolal ka sameystaan dalka ay ku noolyihiin.

Tanzania ayaa martigelisay qaxooti dhan 350,000 oo ka soo qaxay collaadaha ka taagan dalalka Burundi iyo Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Kongo.

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli waxaa uu sheegay in sababaha ay uga baxayaan barnaamijka ay tahay ammaanka dalka iyo sababo dhaqaale.

Dowladda Tanzania ayaa sannadkii hore joojisay diiwangelinta qaxootiga yimaada dalkeeda, iyadoo na ku boorisay qaxootiga u dhashay dalka Burundi inay dib oogu laabtaan dalkooda. Tallaabadaasi ayaa waxaa cambaareeyay hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in wafdi heersare ah ay u direyso Tanzania, si ay ula hadlaan dowladda dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.