Edna Adan: Somaliland 1991 Kahor Gaar Bay Ka Ahayd Soomaaliya

0
248

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Drs. Edna Adan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horeeyay 1991.

Drs. Edna Adan ayaa hadalkan ka sheegtay mar ka qayb gashay dood lagu qabtay Telefiishanka dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millitariga.

Waxay Edna Adan ay sheegtay in xiligii ay dalka ka talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale.

“Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidi dal lahaysto” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday.

“Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sano jirsatay, laga rabo, maamul wanaag.

“Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.