Ethiopia Oo Xabsiga U Taxaabtay Afar Kamid Ah Mucaaradka Dalkaasi

0
15

Ethiopia (Tayosame News) 4 ka mid siyaasiyiinta mucaaradka dalka Itoobiya ayaa lagu riday xukun 6 bilood oo xabsi ah ka dib amar diido maxkamadeed.

Siyaasiyiintani ayaa diiday in ay maxkamda hor istaagaan amaba ay la hadlaan garsoorayaasha dacwadooda qaadayay.

Bishii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa siyaasiyiintani lagu riday xukun kan la mid ah ka dib markii maxkamadda dhexdeeda ay ku qaadeen hees cabasho ah.

Afartani siyaasi ayaa waxaa ka mid ah Bekele Gerba oo ka tirsan xisbiga Oromo Federalist Congress.

Mr Gerba ayaa xabsiga ku jiray tan sanadkii 2016.

Tobonnaan kun oo qof ayaa la xidhay dalkaasi Itoobiya iyaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.

Dadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen dibadbaxyo dowladda lagaga soo horjeedo.

Tallaabo la yaab lahayd ayaa bishii  aynu soo dhaafnay waxay dawladda Itoobiya sheegtay in siyaasiyiinta mucaaradka ee xidhan ay cafis u fidin doonto.

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii maamulka gobolka Oramiya ay sheegeen inay xabsiga ka sii dayn doonaan in ka badan 2,000 oo maxbuus.

Muddo labo sano ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbadalo .

Itoobiya waligeed waa ay diidi jirtay in ay jiraan maxaabiis u xidhxidhan arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.