Faahfaahin: Jid Ay Hore Ugu Naf Baxeen 9 Ruux Oo Uu Shalay Ka Badbaaday Xildhibaan Iyo Waft i La Socday

0
42

Hargeisa (Tayosame news) -Xildhibaan ka mid ah Golaha Deegaanka Gabiley iyo Saddex Qof oo Gaadhigiisa la socday ayaa ka badbaaday Shil Baabuur oo ay Shalay Gelinkii hore ku galeen Duleedka degmada Arabsiyo ee Galbeedka Hargeysa.

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi iyo Saddex Qof oo la socoday, ayaa Baabuurku kula qalibmay Duleedka Arabsiyo, laakiin Xildhibaanka iyo laba Qof oo Rag iyo Dumar ah wax dhibaato ahi kama soo gaadhin, marka laga reebo Haweenay la socotay oo Xaalad Miyir-doorsoon ah gashay.

Xildhibaanka iyo Saddexda Qof ee kale oo laba Haween yihiin ayaa markay Shilka galeen la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, si Xaaladdooda Caafimaad loo eego, halka Haweenayda Miyir-doorsoontay Xaaladdeeda lala tacaalayey.

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi, ayaa Suxufiyiin ku booqday Cisbitaalka u sheegay inuu ILAAHAY uga Mahad-celinayo inuu ka bedbaadiyey Shilkaasi oo Sawirrada laga soo qaaday muujiyaan Gaadhiga oo dhowr jeer is-rogay, aakhirkiina afarta Taayir Cirka u taagaya.

Gaadhiga Xildhibaanka iyo Saddexda Qof ee kale la dhacay ayaa ahaa Taksi (Taxi) ama Gaadiidka yaryar ee Raaxada.

Ugu dambayn, Shilalka Gaadiidka ayaa Maalmihii u dambeeyay ku soo badanayey inta u dhaxaysa Gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley, waxaana Toddobaadkii hore Saddex Shil ka dhacay inta u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeysa ku dhintay 9 Qof.

Shilka koowaad waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Gabiley iyo Kala-baydh waxaana ku dhintay Afar Qof oo midkood ahaa Guddoomiyaha Kala-baydh, Wiil yar oo 12 jir ahaa iyo Laba Qof oo Walaalo ahaa.

Shilka labaad oo ahaa laba Gaadhi oo isku dhacay isla-markaana ka dhacay inta u dhaxaysa Gabiley iyo Arabsiyo waxa ku naf-waayey Saddex Qof.

Shilka Saddexaad ee Toddobaadkii hore dhacay, ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxaysa Abaarso iyo Hargeysa, waxaana ku dhintay Laba Nin oo la sheegay isku Seeddi ah ahaayeen.

Labada Nin ayaa Alle ha u naxariistee, waxa burburay Gaadhi yar oo ay Jaad kaga soo qaadeen Wajaale, ka dib markii uu Waddada kala baxay ee uu ku dhacay Jiridda Geed weyn oo Waddada ku dhinac yaalla, siday Booliisku Warbaahinta u sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.