Faahfaahinta Qarax Gilgilay Qansaxdheere iyo Alshabaab Oo Godoomisay Degmadaasi

0
110

Somalia (Tayosame news) Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ka dhacay Barkontarool oo ay leeyihiin ciidamada maamulka koonfur Galbeed, waxaana dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana Mas’uuliyadda Qaraxaasi sheegtay Al-Shabaab.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ahaa Mid xooggan, islamarkaana markii uu dhacay hawadda laga saaray isgaadhsiinta degmada Qansaxdheere.

Degmada Qansaxdheere ayaa waxaa ku sugan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in degmadaasi ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.