Fanaanad Xabsi Ku Gashay Muus Ay Si Anshax-xumo Ah Ay U Cuntay+ Sawiro

0
1260

Masar (Tayosame news)  Shaimaa Axmed, waa fanaanad ka caan ah dalka masar, fanaanada oo da’deedu tahay 25 sanno jir ah ayaa la xidhay ka dib markii muuqaalkeeda uu ka dhashay cadho iyo dhalliil kaga imaaneysay shacabka dalka Masar oo u badan Muslimiin.

Salaasadii ayaa lagu helay dembi ah in ay anshax xumo faafineysay iyo baahinta muuqaal aan wanaagsaneyn, sida warbaahinta gudaha dalkaasi ku warrameen, soo saaraha muuqaalka ayaa sidoo kale lagu xukumay laba sanno, isagoo ka maqnaa maxkamadda.

Shayma Ahmed ayaaraali gelin ku bixisay barteeda facebook  in kasta oo hada hawadda laga saaray waxanay tidhi “Kuma fikirin in waxaan oo dhan inay dhacayaan oo aan la kulmayo weerar sida oo dhan u xoog badan oo qof kaste iiga imanaya,”

Sannadkii tagay, maxkamado ku yaalla Masar ayaa seddax dumar oo qoob ka ciyaar sameeya ku xukuntay min lix bilood oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dembi ah in dareen kicin ah ku sameeyeen muuqaal hees oo laga duubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.