Farmaajo Oo Imaaradka Ugu Baxay,Saldhiga Berbera,Wareejinta Marsada Iyo Qodobo Kale Oo Somaliland KU Saabsan Oo La Filayo Inuu Ka Hadlo

0
597

Emarat (Tayosame news) -madaxweynaha somaliya maxamed cabdilahi farmajo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka imaaraadka carabta,
halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda wadankaasi.
sida lagu daabacay wakaalada wararka ee dowlda ee SONNA, waxyaabaha ugu muhiimsan ee madaxweyne farmaajo iyo masuuliyiinta
imaaraadku ka wada hadli doonaan ayaa waxa ka mid ah in lagu tixgeliyo somaliya go’aanka dhexdhexaadnimada ahaa
ee ay ka gaadatay arrimaha khaliijka,Fududayta hawlaha la xidhiidha arrimaha socdaalka iyo dal ku galka iyo in
imaaraadku ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.
wararku waxa kale oo ay intaasi ku darayaan inay labada dhica kawada hadli doonaan arrimaha la xidhiidha sladhiga
milliteri ee imaaradka ka dhisanayo magaalada Berbera, Heshiiskii DP World ee Dekedaha Berbera ee ay xukumada
Somaliland Dhowaan hirgelisay, sida oo kale waxa uu kala hadli Doonaa dekedda boosaaso ee maamul gobolledka Puntland.
waa markii labaad ee uu madaxweyne farmaajo socdaal ugu ambabaxo wadanka imaaradka carabta tan iyo markii la doortay,
hasa yeeshee inuuu arimaha dekedda Berbera kala hadlo Imaaradka Ayaa la filayaa inaany waxba ka midho dhali doonin
maadaama aanay dowladiisu si cad gacanta ugu haynin waxna aanay ka qaban karin Geyiga Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.