Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Cuqasha iyo Waxgaradka Reer Puntland + Sawiro

0
304

Somalia (Tayosae news) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland kula kulmay Isimada iyo duubabka dhaqanka Gobolka Nugaal.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Dhaqanka ee Hiddo Raac ee magaalada Garoowe waxaa Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ku casuumay Isimada gobolka Nugaal ay hormuudka u yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxwene Farmaajo oo la hadlay Duubabka Dhaqanka iyo Isimada gobolka Nugaal ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxa uuna sheegay in Dhaqanka kaalin muuqata ku leeyahay nabadeynta iyo dowladnimada Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sugan Puntlnad ayaa sidoo kale la filayaa in maanta booqdaan xarumo kale sidoo kale la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.