Fulkaane Xoogan Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Qarxo Jasiradda Bali Ee Indonisia + Duulimaadyada Diyaaradaha Oo La Hakiyey

0
56

Indonisia (Tayosame news)     -Dhamaan Shirkadaha duulimaadyada ayaa digniin loo jeediyay kaddib markii uu cirka isku shareeray qiiq madow oo ka dhashay folkaana ka qarxay meel u dhow jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya.

Mas’uuliyiinta ayaa ka walaacsan in qarax folkaana uu ka dhici doono buurta Agung markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1963, xilligaasi oo 1600 oo qof ay dhinteen.

Waa markii labaad muddo usbuuc ah oo la arko qiiq madow oo ka baxaya qeybta sare ee buurtaasi, waxaana dadka deggan agagaarka buurta lagu amray in ay halkaasi ka qaxaan.

Jasiiradda Bali ayaa ah goobta ugu weyn ee ay tagaan dadka dalxiiska ah ee dalkaasi Induniisiya.

Garoonka ugu weyn jasiiraddaasi ayaa hadda caadi u shaqeynaya balse waxaa jira dhowr duulimaad oo la hakiyay tan iyo bishii Sebteembar, markiisa oo ahayd markii ugu horreysay ee la arkay qiiqa ka baxaya buurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.