Pakistan (Tayosame news) Falalka iskugu jira fara xumaynta iyo Kufsiga ee lagu kaco Gabdhaha aadka u yaryar ee Dalkaasi ayaa ah arrin ay had iyo jeer cabasho ka muujiyaan Dadka u dhashay Dalkaasi.
Waxa aad u murugo iyo argagax galisay dadka u dhashay Dalkaasi Gabadh yar oo ay da’deedu ahayd 7 jir oo la kufsaday,kadib markii la kufsadayba Maydkeedii lagu tuuray goob qashinka lagu ururiyo.
Gabadhaasi yar ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Saynab Ansaari ayaa waxa la waayay toddobaadkii hore kadib markii ay ka soo baxday gurigood ,Saynab ayaa waxa ay u socotay Guri u dhaw gurigooda oo ay Quraanka Kariimka ah ku soo dhigan jirtay .
Labada Waalid ee dhalay Sayna ayaa waxa ay ku maqanaayeen Magaalada Barakaysan ee Makka halkaasi oo ay ku soo gudanayeen Waajibaadka Cumrada.
Nasiib Darro ugu dambayntii Maydkii gabadhaasi yar ayaa laga helay sanduuq lagu ururiyo qashinka ,waxaana arrintaasi xaqiijiyay sarkaal ka titsan ciidamada Bilayska ee Dalkaasi oo magiciisa la yidhaahdo Camraan Nawaas Khan,Mr Camraan ayaa waxa uu cadeeyay in gabadhaasi yar la kufsaday oo isla markaaba la dilay.
Dadka ku dhaqan Gobolka Banjab ayaa waxa ay ka murugoodeen falkani aadka u foosha xun ee lagu la kacay gabadhaasi yar ,waxaana anay xukuumada Dalkaasi ku eedeeyeen in aanay gacanta ku soo dhigin raggi falkaasi foosha xun kula kacay gabadhii yarayd ee Saynab Ansaari.
Ma aha markii u horaysay ee arrin noocan oo kale ah ka dhacdo dalkaasi ,waxa aanay shacabka Pakistan hadd iyo jeer xukuumada ugu baaqaan in ay wax ka qabato Kufsiga ku baahay Dalkaasi isla markaana ciqaab adag lagu fuliyo qofka ku kaca.