Go’aanka Maxkamada Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Dib Loo Dhigay Ilaa Berrito iyo Sababta?

0
15

Somaliya (Tayosame news)  Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Wadajir oo labo maalmood ka hor gurigiisa laga soo qabtay ayaa manta la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa lagu eedeynayaa dambiyo ku saleysan duminta Dowladda iyo in uu malleegay dambiyo ka dhan ah qaranimada sida hadalka loo dhigay.

Xeer-ilaalinta Dowladda ayaa laga dalbaday inay keenaan cadeymo la xidhiidha dambiyada loo haysto siyaasigan iyadoo maxkamadda dib loo dhigay ilaa berri.

Waxaa maxkamada joogay xilibaano taageersan Cabdiraxman Cabdishakuur iyo ehelka eedaysanahan.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo la doonayo in arrinkan lagu damiyo maadaama ay qaylo-dhaan weyn ka dhalatay xadhiga ninkan.

Arrimaha sidoo kale muranka la geliyey waxaa kamid ah sharciyada loo maray xadhiga siyaasigan iyo qaabka loo weeraray gurigiisa.

Qabashada Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa u dhacday in weerar lagu qaaday guriga uu Muqdisho ka degan yahay waxaana weerarkaasi ku dhintay ilaa shan qof.

Xeer-ilaaliyaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in ay jirraan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay wadaan wax uu ku tilmaamay qaran-dumin.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis siyaasadeed kala kulmay siyaasiyiin mucaaradsan qaab siyaasadeed xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.