Golaha Amaanka Oo Cunaqabatayntii Ugu Weyneyd Oo Lagu Soo Rogay Kuuriyada Waqooyi

0
18

QM (Tayosame news) Cune-qabateyn cusub oo dhan kasta ah ayaa lagu soo rogay dalka Waqooyiga Kuuriya,ka dib markii Golaha amaamka ee Qaramada Midoobay ay cod aqalbiyad ah ku meel mariyeen qaraarkaasi.

Dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo bah wadaag dhaw la ah Waqooyiga kuuriya ayaa iyaguna ka mid ahaa dalalkii u codeeyay in uu meel maro go,aankaasi, Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go,aankaasi oo uu ku sheegay in dunidu maanta u baahan tahay nabad galyo ee aanay u baahnayn dagaal.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisa gantaalaha ridada dheer ,kuwaasi oo ah plastic, iyadoo marar badan ku tijaabisay baddaha baasifiga iyo agagaarka biyaha dalka Jabaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee golaha amaanku cune-qabateyn ku so rogo dalka K/waqooyi ,lakiin tani waxay saamaynaysaa in la xayiro wax allale wixii dalkaasi dibadda u dhoofiyaan iyo wax alaale wixii dalkaasi galaaya oo ay u jiraan in xitaa dadka Waqooyiga kuuriya u dhashay ee dibadaha ka shaqeeyaa ay dalkooda ku laaban doonaan 24 bilood ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.