Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maalintii Labaad Ansixiyay Dufcadii Labaad Ee Wasiirada Cusub Ee Xukuumada Muuse Biixi

0
21

Hargeisa (Tayosame news) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey qayb labaad oo ka mid ah golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Fadhiga golaha wakiilada ee maanta oo ay ka soo xaadireen xildhibaano tiradoodu dhamayd 58 ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey 9 wasiir iyo laba wasiir ku xigeen oo ka mid ah xukuumada.

Magacyada wasiirada iyo wasiir ku xigeenada ee ay golaha wakiilada ansixiyeen ayaa kala ahaa

1 Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf maxamuud Nuur

2 Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal

3 Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta iyo Maaliyada Maxamed Daahir Axmed Fure.

4 Wasiirka Deeganka & Horumarinta Reer Miiga Shukri

Baandaare

5 Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Iidle (Saajin)

6 Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri Barwaaqo).

7 Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan

8 Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye

9 Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maalgashiga Maxamed Amxed Maxamuud

10 Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Ciise Axmed Cabdalla

11 Wasiirka Xidhidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.