Guddida Doorashooyinka Oo Loo Dhegtaagayo Inay Caawa Ku Dhawaaqaan Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada

0
655

Guddiga  Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa caawa loo dheg taagayaa in guddigu caawa ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland.

Waxaana guddiga ay maanta kaga eeg tahay wakhtigii uu sharcigu farayay inay haysan karaan ku dhawaaqista natiijada doorashada,waxaana xoguhu tibaaxeen in ay caawa ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashada.

Sidoo kalen guddiga komishanka ayaa la filayaa in ay goordhaw warbaahinta la hadlaan isla markaana ay ka hadlaan inay soo dhamaatay tirintii codadka doorashada madaxtooyada,walow ay wali taagan tahay xalka laga gaadhayna aan la shaacin cabashooyin uu tirsanayay xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo ku saabsan tirinta codadka doorashada.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhag taagaya wakhtiga ay ku dhawaaqayaan guddiga doorashooyinku natiijada kama danbaysta ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana y shaacinayaan murrashax madaxwayne iyo ku xigeen ee ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland ee shanta sanno ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.