Guddiga Kala Xulista Murashaxiinta Waddani Oo Soo Gebagabeeyay Hawshoodii

0
176

Hargaysa (HP): Guddiga kala xulista murashaxiinta u tartamaya goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee xisbiga Waddani ayaa shaaciyay in ay soo gebagabeeyeen hawshii kala xulista murashaxiinta.

Kadib markii ay guddigaasi kala haadinta xubnaha tartamaya ku hawlanaayeen muddo saddex bilood ah, isla markaanay ay ka shaqaynayeen  waajafinta shuruudaha murashaxiinta ee xeer-daamiyaha iyo heer-hoosaadka xisbiga.

Guddigaasi oo ka kooban 13-xubnood ayaa mudaddii saddexda bilood ahayd waxay baadhis ku samaynayeen aqoonta, waayo-aragnimadda iyo buuxinta shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo guddoomiye u ah guddigaasi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga Waddani ee magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen hawshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod.

Waxaanu xusay in  ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI.

Shirka jaraa’id ee xildhibaan C/qaadir Jirde, waxaa  ku wehelinayay  masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

https://youtu.be/eMuuqM2wqIk

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.