Gudidda Gurmadka Qaraxii Zoobe Oo Deeq Lacag Ah Lagu Wareejiyey

0
58

Somaliya (Tayosame news)  -Guddiga Gurmadka Qaraxii Zoobe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula wareegay deeq ka timid Jaaliyaha Soomaaliyeed ee kunool dalalka Mareykanka iyo Canadda.

Deeqdaan ayaa aheyd Mid lacageed, waxaana Guddigaasi lagu wareejiyay lacag ku dhow Sagaashan kun oo Dollar.

Guddiga ayaa u mahadceliyay Jaaliyaha Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay u garab istaageen walaalahooda ay dhibaatadu ay soo gaartay.

Sheekh Nuur Baaruud “ Gurxan” ayaa sheegay in ay dadaal badan ay muujiyeen dadka Soomaaliyeed ee kunool dalalka Canada iyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.