Guurka Hablaha Aan Qaangaadhin Oo Kordhay iyo Soomalida Oo Ku Jirta Liiska……………………..

0
320

Som (tayosame news)    Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Save the Children, todobadii ilbidhiqsiba hal gabadh oo da’deeda 15 jir ka yartahay ayaa la guuriyaa.

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha ka yar 10-sano in lagu qasbo in ay guursadaan rag si aad ah uga weyn dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Yemen, Hindiya iyo Soomaaliya.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegeysa in gabdhaha yaraanta lagu guursado ay soo jiidaneyso dhibaato soo gaadho qeyb walba oo nolasheeda ka mid ah.

Dagaalka, saboolnimada, iyo dhibaatooyinka bani’aadanimo ayaa loo arkaa in saameynta ugu weyn yihiin, iyaga oo sababa in gabdhaha lagu guursado ayaga oo aan qaan gaadhin.

“Caruurta oo la guursado iyaga oo aan gaarin wakhtigaasi, waxay gabdhaha ka qaadaysaa xuquuqda aasaasiga ah sida waxbarashada, horumarka iyo caruurnimadaba, “waxaa sidaa sheegay aggaasimaha guud ee hay’adda Save the Children, Helle Thorning-Schmidt.

“Gabdhaha yaraanta lagu guursado waxa marar badan dhacda in aysan waxbarasha helin, waxa ayna u badan tahay in ay la kulmaan rabshadaha qoyska ka dhex dhaca, xadgudub, iyo kufsi.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay ‘Dalalka ugu dhibka badan oo gabadh ay ku noolaato’ ayaa waxa lagu eegay dhinacyada waxbarashada, gabdhaha aan gaadhin guurka oo la guursado, gabdhaha da’ada yar ee uurka qaada, dhimashada foosha iyo tirada haweenka ee baarlamaanka ku jira.

Dalalka Chad, Niger, Jamhuuriyadda badhtamaha Afrika, Mali iyo Soomaaliya, ayaa ku jira kaalimaha ugu hooseeya ee warbixinta.

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha dhibaatada soo gaadhay in ay u badan yihiin in ay noqdaan aroosad iyagoo caruur ah.

Warbxinta ayaa sheegeysa in qoysaska qaxooti badan ay gabdhahooda u guuriyaan, ayaga oo u arka in ay tahay qaab ay uga badbaadayaan saboolnimada iyo faro-xumeyn.

Hay’adda ayaa tusaale u soo qaadatay gabar 13 jir ah oo u dhalatay dalka Suuriya kuna nool dalka Lubnaan, ayna u bixiyeen magaca Saxar, inkasta oo aanu aheyn magceeda saxda ahaa, oo guursatay nin 20 jir ah.

Hadda waxa ay jirtaa 14-sano, waxa ayna leedahay uur laba bilood ah.

“Maalintii arooskeyga, waxaan istusinayay in ay noqneyso maalin weyn laakiin ma aheyn.

Waxa ay aheyd maalin dhib badan. Waxa ay aheyd mid murago badneyd,” Save the Children ayaa hadalkaa ka soo xigatay Saxar.

“Waxaan dareemayaa inay farxad tahay in aan cunug dhalay. Laakiin waxaan ahay cunug, cunug kale korinaya.

Hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobay, Unicef, ayaa ku qiyaastay tirada gabdhaha la guursado iyaga oo caruur ah in ay gaadhayso 700 oo milyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.