Hargaysa (HP): Komishanka Tamarta qaranka ee Somaliland ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta shirkadaha bixiya addeegyadda Korontadda ee dalka ka hawl-gala.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta komishanka Tamarta ee magaaladda Hargaysa ayaa la xidhiidhay sidii ay is xog waraysi u yeelan lahaayeen komishanka Tamarta iyo shirkadaha bixiya addeegyadda Korontadda.
Waxaana kulankaasi markii uu soo dhamaaday ka warbixiyay guddoomiyaha komishanka Tamarta Axmed Faarax Cadare, iyo xoghayaha komishankaasi.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.