Hayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Saartay Shuruudaha Laga Rabo Shaqaalaha Ah.

0
107

Hargeisa (Tayosame News) Haay’adda Shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa shaacisay in ay soo gaba-gabaysay Gogol Xaadhka Tirinta Shaqaalaha dawladda,waxaana ay soo saartay shuruudaha laga rabo qofka shaqaalaha ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Haay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland oo Nuqul Ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey haay’adda shaqaalaha dawladdu ku hawlanayd qabyo-tirka qorshaha tirinta iyo tayayeynta shaqaalaha dawladda iyo carbinta hawl-wadeenada hawshan fulin doonna , ayaa waxaa si dhamaystiran u soo gabo-gaboobay diyaaarinta, tijaabada iyo gogol xaadhka hawshan quruxda qaranka u horseedi doonta.

Haddaba, adeege, si aad uga mid noqoto shaqaalaha la tirinayo si loo tayeyeeyo isla markaana aanad goobta u iman adiga oo shuruudaha diiwagelinta qodobo kaa qabyo yihiin, fadlan halkan ka hubi shuruudaha aasaasiga u ah in aad hesho diiwaangelin dhamaystiran:

1. In uu xaashida jawdalka lacag bixinta (Payroll) ku jiro

2. In uu sito Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinnimada Somaliland (National ID)

3. In uu sito Shahaadooyinkiisa Waxbarasho ee asalka ah (Original) oo looga baahan yahay shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka A “Heer Jaamacadeed” iyo B “Dugsi sare’

4. Shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka C iyo D ee u qalma darajo intaa ka sarraysa waa in ay la yimaaddaan shahaadooyinkooda waxbarasho ee asalka ah (Original) taas oo u horseedi karta in ay helaan derejo beddel.

Shaqaale Tirsan iyo Adeeg Tayo leh waa Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda #Somaliland CivilService Reform

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.